Horseed oo Maanta la Ciyaari Doonta Naadiga Banaadir

August 1, 2017

Kooxda Kubada Cagta Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Galabta waxa ay Ciyaar adag la Dheeli Doontaa Naadiga Banaadir SC waxaa Labadaan Naadi ka dhaxeyso Xifaaltan Adag oo dhanka Kubada Cagta ah

Naadiga Horseed Haday Galabta ka Badiso Banaadir waxay soo Gali Doontaa Kaalinta Sadaxaad ee Horyaalka Kubada Cagta ee Soomaaliya

Gudoomiyaha Kooxda Horseed G/Sare Mohamed Ahmed Xasan ayaa sheegay in kulanka Maanta ay la dheeli doonaan Banaadir ay Tahay Ciyaarta ugu Dambeyso Xili Ciyaareedkaan Kooxda Horseed isla Markaana ay dooneyso Kooxdu in ay Gasho Kaalinta Sadaxaad ee Horyaalka Soomaaliya

Macalinka Kooxda Horseed ayaa ka hadlay Kulanka Galabta Kooxdiisu la dheeli doonto Banaadir waxa uuna Macalinka uu Tilmaamay in Maanta Laga Yaabo inuu Seego Ciyaarta Kabtan Kooxda Horseed Fuaad kaa oo dhaawac ah

Xiliga Magaalada Muqdisho Sacadu marka ay Tahay 03:30 geeska Africa ayaa Laga Daawan Doonaan Gudaha Wadanka Soomaaliya iyo Geeska Africa