””Horseedfc.net”’hiraan&shabellaha dhaxe oo dhulka ku jiiray jubbaland

July 17, 2016

Gegada Banaadir weli waxaa si habsami la’ uga soconaya cayaaraha gobollada dalka oo caasimaddu marti gelineyso goortii u horeysay muddo 25 sanadood ah.

Xulalka gobollada Hiraan & Sh/dhexe iyo Jubbaland ayaana ku kulmay kulankii galabta ka dhacay bugcadda Banaadir, iyadoo ay muuqdeen boqolaal taageerayaal ah oo labada dhan u kala sacaba tumayay, xilli ay jireen taageerayaal kale oo dhexdhexaad u muuqday, una riyaaqayay keliya kubadda quruxda badan.
Xasan Yuusud oo lanbar sagaal u xirta Hiiraan & Sh/dhexe ayaase goolka koowaad ee cayaarta dhaliyay, kaddib weerar xirfadeysan oo saaxiibadii ay lasoo qaadeen.
Inyar kaddib xiddiga lanbarka Saddexaad u xirta isla kooxdan Maxamed Maxamuud Axmed ayaa kubad qurxooneyd oo laad furan aheyd shabaqa cujiyay, si cayaarta qeybteeda koowaad ay ugu dhamaato 2-0.
Qeybtii labaad wiilashii Jubbaland ayaa hal gool la yimid markii gool uu iska dhaliyay Maxamed Axmed oo Hiiraan & Sh/dhexe u cayaara.
Kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay kusoo dhamaaday 2-1 oo Jubbaland lagu garaacay.