”Horseedfc.net”Juventus oo soo qadaneysa Xidiga Benzema

July 13, 2016

Juventus ayaa u dhaqaaqday saxiixa Real Madrid gooldhaliyaheeda Karim Benzema, sida lagu qoray CalcioMercato.com.

Kooxda Bianconeri ayaa dooneysa in ay ku buuxiso booska uu banneeyay Alvaro Morata keddib markii laacibka dalka Spain uu ku laabtay Madrid xagaagan, wararku waxay sheegayaan in 23-jirkani uu sii joogayo Santiago Bernabeu ay culeys xoogganna ku noqon doonto Benzema.

Kooxda heysata horyaalka Serie A aad ayey u daneyneysaa in ay hesho laacibka dalka France ee gooldhaliyaha ah Saxiixiisa sida ay maanta daabacayaan wargeysyada kasoo Baxa Spain iyo Italy.

Dieter Hecking kooxdiisa ayaa horay €30 million ugu gaartay Benzema, in kastoo durba ay diidday Madrid yaboohaas lacageed.