”’Horseedfc.net”’Ibrahimovic oo diyaar garoow igu jira kulamada uu kooxdiisa Cusub u ciyaarayo

July 12, 2016

Weeraryahaanka cusub ee Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa soo bandhigay Sawiro isaga oo samaynaya tababar aad u adag Waxaana uu sheegay in uu diyaar Garoow ugu jiro in uu dheelo Kulamada koowaad ee istijaabinta ah ee Naadigiisa Man United.

Zlatan Ibrahimovic ayaa Manchester United Waxa uu ugu soo biirey heshiiska Xorta ah Waxaana uu u Saxiixay 1 Sano oo uu kooxdaas ugu dheeli doono waana 34 Sano jir Wacadaro ka soo dhigay Horyaalka dalka France.

Kabtankii hore ee Xulka dalka Sweden ayaa sheegay in uu doonayo inuu kooxdiisa u raaco dalka Shiinaha halkaa oo ay ku soo dheeli doonaan labo kulan balse kulankooda koowaad Cayaaraha istijaabinta ah Waxa ay Sabtiga la dheeli doonaan Naadiga Wigan.

1 2 3 4 5