Waa habka uu kaga fiicanayahay Messi Xidiga Ronaldo oo dalkiisa koob u qaaday

July 11, 2016

Warbaahinta kala duwan ee Caalamka ayaa waxa ay aad u haadal hayaan sidii uu u dhaqmay Cayaaryahanka Hogaamiya Xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo Waxaana habkaas lagu Tilmaamay kan ugu kaga Wanaagsanyahay Ninka ay Xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Cristiano Ronaldo oo dhaawac aad u darani ka soo Gaaray Kulankii Finalka ee koobka yurub ayaa Waxa uu soo laabtay isaga oo laga soo duubay Jilibka Xiligaas oo uu aad u dhiiri geliyey Xidigaha dalkiisa waxaa kaloo la arkayey Cayaaryahanka oo booska kala baxay Macalinkii oo taagan booska Macalininimo oo aan marna Fariisan intii ay Cayaartu socotey.

Cayaaryahanka Lionel Messi ayaa lagu dhaleeceeyaa in uusan lahayn Awood hogaamineed oo uu sida Ronaldo ugu Hogaamiyo Xulkiisa isaga oo weliba laga dhigay Kabtanka Xulka dalkaas.

Koobka uu qaaday Ronaldo ee yurub ayaa lasheegayaa in sidoo kale ay noqon doonto Sabab kale oo uu kaga fiicnaan doono Messi Waayo Cayaaryahanka dalka Argentina weligiis koob uma qaadin dalkiisa Cayaarahana Caalamiga ahna Waa ka fariistay.

1 2 3