Magaalada Paris oo Marqura isku badashay Caasimada Portugal ee Lisbon iyo dadka France oo Niyad Jabsan

July 11, 2016

Magaalada Paris ee Caasimada dalka France mudo Kooban waxa ay u ekaatay Caasimada dalka Portugal ee Libon ka dib markii kumanaan kun oo Taageerayaal Portugal ay ah u ku dhex dabaal dageen iyaga watat Calamada dalkooda.

Taageerayaasha dalka Portugal oo aad u Faraxsan ayaa waxa ay beegsanayeen in ay tagaan Goobaha ay Caanka ku tahay magaalada Paris si ay sawiro isaga qaadaan waxaana lasheegayaa in waxoogaa rabshado ah ay ka dhaceen Magaaladaas.

Dhamaan Magaalooyinka dalka Portugal oo ay kujirto Caasimada dalkaas ayaa siweyn looga daawanayey Cayaarta Fnalka ah ee ay kaga badiyeen Farnce 1-0 ka Waxaan dhamaan Magaalooyinkaas ka dhacay banaan baxayo Faraxadeed oo lagu soo dhawerynayo Guusha Taariikhiga ah ee ka Gaareen koobka yurub 2016.

Cayaaryahanka Goolka qura u dhaliyey dalka Portugal oo lagu Magacaabo Eder ayaa ah mid badal ku soo galay Waxaana uu u dheelaa Naadiga Swansea City ee Horyaalka England weliba boos Joogta ah kuma laha oo waxaa lagu yiraa Waa ku fashilamay in uu u dheelo kooxdaas laakiin Goolka uu Xalay dhaliyey ayaa Portugal looga aqoonsaday Goolkii ugu fiicanaa taaariikhda kubada Cagta dalkaas.

36260B9E00000578-0-image-a-68_1468196250802 123456789101112131415