Ferguson oo siqaas ah ugu hambalyeeyey Wiilkiisa Cristiano Ronaldo’

July 11, 2016

Macalinkii Hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson oo xalay daawanayey kulankii Finalka ahaa ee Portugal ay 1-0 kaga qaadeen koobka yurub dalka France ayaa si goonin ah ugu hambalyeeyey Cayaaryahankiisii hore ee Cristiano Ronaldo.

Sir Alex Ferguson ayaa markii ay dhamaatay cayaartii Finalka ahayd ee Xalay waxa uu ka soo degay Tarabuunka Waxaana uu Xabadka geliyey Ronaldo oo uu ugu hambalyeeyey Guusha Taariikhiga ah ee uu lagaaray dalkiisa iyo koobka muhiimka ah ee uu qaaday.

Cristiano Ronaldo’ ayaa mudo 6 Sano ah Waxa uu ka hoos shaqaynayey Macalin Sir Alex Ferguson oo soo iibsaday 2003 dii isaga oo 17 jir ah kadibna 2009 ayuu uga dhaqaaqay Real Madrid oo uu hadaba u dheelo waxaana Markasta ka dhaxeeya Xiriir aad u wanaagsa Waayo Ronaldo Waxa uu Ninkaan u ixtiraamaa sida aabihii oo kale.

1 2 3