Maxaad Kala Socotaa Waqtiga Sida Rasmiga Kooxda Milan Laga Iibinaayo Ganacsato U Dhashay Dalka China

July 3, 2016

 

Kooxda kubada cagta Milan ayaa lagu soo waramay in ay ku dhawdahay in ay ka baxdo gacanta hogaamiyaha mudo maamulayay kooxdaa ee Silvia Berlusconi waxana la xaqiijaiyay waqtiga Milan ay maal gashi xoigan ku sameeynayaan .

7 Bishaan maanta kowda ah ee July ayaana Milan ay u noqon doontaa in boqolkiba sideedan lala wareego.

Rosanerri Madacweynaheeda Silvio Berlusconi ayaa maalmahan waxa uu wada hadal u socday ganacsataan reer China ee daneeynaya la wareegista Kooxidiisa waxana laysku af gartay in Milan la iibiyo 7 July.

 

Macalinka cusub ee Milan Xidigii hore ee xulka Azzuri iyo kooxaha Roma Iyo Sampadoria Vicenzo Montella ayaa heli doono qarashaad xoogan oo uu ku adkeeyo kooxdiisa waxana lagu wadaa ganacsatada reer China ay daneeynayaa inay soo celiyaan sharaftii iyo sumcadii kooxda Milan Ay ku lahayd Caalamka Kubada Cagta.

 

Sikastaba 7 July ayaa sidoo ah maalinka Milan lala wareegayo samigeeda inteeda badan hadana Macalin Montella ayaa ay u tahay maalinka uuu bixinaayo Tababarkiisa ugu horeeyay ee kooxda Milan.