Higuan Albaabka U Furay Ku Biirista Ahtletico Madrid

July 1, 2016

Weeraryahanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Napoli Gonzalo Higuan ayaa soo dhaweeyay in uu ka dhinac ciyaaro kooxda qaab ciyaareedkeedu aadka u adag yahay ee Athletico Madrid oo uu leyliyo macalinka reer Argentina Diego Seomone .

 

Macalin Diego Seomone ayaa dhawaan ku wargaliyay kooxdiisa in uu u baahan yahay weeraryahan buuxa oo ka ciyaara number 9 isagoona farta ku fiiqay in kooxda lagu soo celiyo Diego Costa ama loo soo iibiyo Gonzalo Higuan.

 

Wargeeyska Correero Dela Sport ayaa maanta oo jimco ah waxaa daabacay in Higuan uu diyaar u yahay ku Biirista Athletico Madrid.

Napoli madaxdeeda ayaa aad u daneeynayay in xidigaan reer Argentina ay sii heystaan laakiin xidigaanhada waxaa uu doonaayaa in uu kooxdiisa isaga dhaqaaqo.