Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya oo xafiis ku meel gaar ah u furay Naadiga Horseed(Sawirro)

May 25, 2016

Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga xukumada fadareelka somaaliya Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya xirirka kubada cagta soomaaliya ayaa maanta is wadajira ah u furay Xafiis cusub oo ay ku howlgali doonto Naadiga Kubada Cagta Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Kilar oo ka mid ahaa ciyaartooydii bariisi madkii u ciyari jirtey Kooxda ku bada cagta Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka shekayay Tariikhda Kooxda Kubad Cagta Horseed

Gudoomiyha Xirirka Kubada cagta soomaaliya Cabdiqani Saciid carab ayaa sheegay in xariirka kubada cagta soomaaliya oo u dhisan yahay mar walba sida uu u dhiira galin lahaa kooxaha ka ciyaaraha tarmada kala duwan ee laga ciyaaro dalka soomaaliya waxa uuna kooxda horseed iyo madaxdeed sida ay kor u qaadi lahayeen kooxda horseed

Gudoomiyaha Naadiga Horseed ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya S/Guuto Cabdullahi AXMED Ceynte ayaa waxaa uu sheegay in xaafiskaan cusub loogu tala galay guud ahaan ciyaartooyda u ciyaartada hoorseed isagoona xusay in ay sii wadi doonaan mashruucaan oo kale ayna u furi doonaan ciyaartooyada ku ciyaarta magaca naadiga horseed

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada xukumada Fadareelka Xukumada fadareelka ayaa soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) ayaa dhamaan saraakiisha ciidamad xoogga dalka soomaaliya iyo cid kasta oo ka qeyb qadatey dhisamaha xafiiska cusub ee kooxdaa horseed ugu mahad celiyay isagoona kooxaaha kale ka codsadey in ay ku dayadaan Naadiga Horseed

Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa wada dadaalo kagu horumarinayo Naadiga horseed e ku ciyarta Magaca ciidanka Xoogga dalka soomaaliya