Maxay kusoo dhamaatey kulankii adkaa ee kooxaha Horseed iyo Signjet

May 6, 2016

Qeybtii hore ee cayaarta ayaana lagu kala maray gool uu Signjet hogaanka ugu dhiibay Liibaan Mukhtaar daqiiqaddii 26aad.

Saadaq Nuur Geelle ayaa goolka labaad u dhaliyay Signjet daqiiqaddii 23aad ee qeybtii labaad.

Wiilka lanbarka 10aad u qaata Signjet ayaase cayaarta laga saaray daqiiqaddii 74aad, markuu qaatay kaarka cas.

Daqiiqad kaddib gool ku laad loo dhigay Horseed waxaa gool u bedelay Cali Cadde, goolkaase kama badbaadin guuldarro kooxdan kasoo gaartay Signjet oo carar ka joogta inay heerka hoose u dhacdo xagaaga soo aadan.

11 dhibcood ayay xagaagan horyaalka ka urursatay Signjet, waxayna dhibic ka sareysa kooxda ka hooseysa ee Saxafi oo hubaal middood labadan kooxood ay heerka hoose u dhici doonto xagaaga xiga.

Signjet ayaana u dabaal degtay guusheedii saddexaad oo xagaagan ay horyaalka heerka koowaad ka gaartay.