Maxoo ku dhamaadey kulankii adkaa Banaadir SC iyo Horseed

April 30, 2016

Gegada Banaadir Stadium galabta waxaa isku foodsaaray kooxaha Banaadir SC iyo Horseed oo wada cayaaray kulankii toddobaadkan horyaalka ugu xiisaha badnaa.

Banaadir SC ayaa kahor kulanka maanka ku heysay guushii shalay ay gaartay kooxda ku soo xigta Jeenyo iyo ilaashiga guulaheeda joogtada ah.

Inkastoo 45tii daqiiqo oo hore la ismari waayay, hayeeshee bilowgii qeybtii labaad Banaadir SC xiddiga weerarka uga dheela Mustapha Maxwell ayaa garoonka laga saaray oo lagu abaalmariyay kaarka cas.

Horseed ayuuse jabku gaaray markii shabaqa uu kasoo taabtay wiilka lanbarka 22aad ee Banaadir SC Qeys Macallin Cabdule, waxaana han walba oo kooxda ciidanka xoogu lahaayeen idleeyay lanbarka 14 aad ee Banaadir SC Iman, iyadoo xiddiga ree Uganda uu gool ku laad u rogay gool.

35 dhibcood ayay kooxda Banaadir SC ka aruursatay 15 kulan oo horyaalka ay xagaagan ka dheeshay, weli guuldarro sooma gaarin, hogaankana iyadaa ku dhegan.