Finalada Koobabka Champions League iyo Europa League oo loo isticmaalidoono in Goal-line technology

March 5, 2016

Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ayaa isku Raacay in Finalada Koobabka Champions League iyo Europa League loo isticmaalo aalada loo yaqaan Goal-line technology.

UEFA ayaa shir ay isugu yimaadeen Maanta Waxa ay isku raaceen in ay lagama maarmaan tahay in aaladaas oo aad loola dhacay isla markaana yaraysey Murankii Goolasha Garsoorayaashu arki Waayaan marka ay diilinta dhaafto loo isticmaalo Koobab yurub ee Champions League iyo Europa League.

Arintaan ayaa Waxaa soo dhaweeyey kooxaha kala duwan ee yurub kuwaas oo u arkaya in ay Wax weyn kusoo kordhin doonto dhanka garsoorka Maadaama hada lagu isticmaalo Horyaalada kala duwan ee yurub.

1 2 3190