Man City oo heshiis la gaartey xidig u dheela Borussia Dortmund

March 4, 2016

Wararka laga helayo dalka Jarmalka Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Borussia Dortmund Ilkay Gundogan ayaa heshiis rasmi ah lagaaray kooxda Manchester City Waxaana Xidigaan aad u doon doonayey kooxo badan oo Talayaani ah sida Juventus oo kale.

Ilkay Gundogan oo dhawaan diidey in uu heshiis cusub u Saxiixo kooxdiisa ayaa lasheegayaa in Macalinka dhawaan lawareegi doona Bayern Munich ee Pep Guardiola uu iska sii hormariyey uuna ka dhameeyey in uu Man City u dheelo.

Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayaa ku Guuldaraystey in ay Ilkay Gundogan ka dhaadhiciyaan in ay heshiis lagaaraan Waxaana hada uu u dhaqaaqi doonaa sida lacadeeyey Man City.255