FIFA oo soo saartey qiimeynta bilaha halkee ee soomaaliya ka jirtaa qiimeenta

March 4, 2016

Xiriirka kubadda cagta adduunka ayaa soo saaray qiimeynta billaha xulalka adduunka waxaana kaalinta koowaad laga saari la’yahay xulka Belgium, iyadoo 10-ka xul ee u sarreysa uusan isbedel wayni ka jirin.

Xulka Argentina ayaa weli ku jirta kaalinta labaad, halka Spain ay saddexaad ku jirto, xulka Jarmalka ee haysta Koobka Adduunka ayaa ku jira kaalinta afaraad, halka xulka Chile uu dhameystirayo shanta xul ee ugu sarreysa Adduunka.

Kaalinta lixaad waxaa fadhiya xulka Brazil, waxaana 7-aad ku jira xulka qaranka Portugal, Colombia 8-aad, xulka England ayaana ku jira kaalinta 9-aad, halka xulka Austria uu ku jiro kaalinta 10-aad ee qiimeynta billaha FIFA.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa ku jira kaalinta 14-aad, halka xulka Netherlands ay u dhaceen kaalinta 15-aad.
Dhanka Afrika xulka jasiiradda Cape Verde Islands ayaa ugu sareysa, iyagoo qiimeynta dunida kaga jira kaalinta 31-aad.

Ivory Coast ayaana ah xulka labaad ee ugu sarreeya qaaradda Afrika waxaana ay ku jiraan kaalinta 36-aad, Algeria ayaana ku jira kaalinta 37-aad, kaasoo ah xulka saddexaad ee ugu sarreeya Afrika.

Xulalka ugu hooseeya qaaradda Afrika waxaa ka mid ah Jabuuti, Ereteria iyo xulkeena Soomaaliya oo iskula jira kaalinta 204-aad, waxaana kaalimahaas hoose ku wehliya jasiiradaha Bahamas, Anguilla iyo Tongo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 15-ka Xul ee haatan ugu sarreeya Adduunka:-

1 Belgium

2 Argentina

3 Spain

4 Germany

5 Chile

6 Brazil

7 Portugal

8 Colombia

9 England

10 Austria

11 Uruguay

12 Switzerland

13 Ecuador

14 Italy

15 Netherlands

som1