Horseed oo galabta soo bandhigtay ciyaar aad u wanaagsan

January 27, 2016

Kooxaha kubadda cagta ee Horseed iyo Gaadiidka oo galabka kulan ciyaareed ku yeeshay garoonka Banaadir ayaa ku soo dhamaatay 2-0 oo ay ku badisay kooxda Gaadiidka.

Kulanka oo ahaa kii 23-aad ee 23-aad ee horyalka ayaa qaybta hore  ee cayarta lagu kala nastay 0-0, basle marki laysku soo laabtay waxaa  2 gool dhaliysay kooxda Gaadiidka.

Kooxda kubadda cagta ee Horseed ayaa maanta soo bandhigtay ciyaar aad u wanaagsan oo ay jecleysteen dadweynihii daawanayay cayaarta inkastoo usan nasiibku saacidin, hadana taageerayaasha Horseed waxa ay u riyaaqeen hab ciyaareedka wanaagsan oo ay soo bandhigeen ciyaaryahanada Horseed.

Naadiga Hoseed oo leh taageerayaal aad u farabadan ayaa heysata koobabka Jeneraal Daa’uud iyo Super Cupka dalka.