Naadiyada Horseed FC iyo Muqdisho oo galabta ciyaar xiiso leh ku dhexmareyso Gegida ciyaaraha ee Banaadir

January 19, 2016

Iyadoo si xiiso leh oo ugu socdo garoonka kubbada cagta Banaadir horyaalka heerka kowaad ee kubadda cagta dalka waxaa galabta ka dhicidoona kulan marti gelindoona taageeraal fara badan oo gegida Banaadir ku balansan kooxaha Horseed iyo Fc.Moqdisho.

Kulanka ayaa ah kulankii 17-aad wareega hore ee horyaalka 2015-16, sidoo kale waa kulamadii afraad ee labada koox ay ka ciyaaraan horyaalka heerka kowaad ee dalka.

Kooxda Horseed ayaa horyaalka ka soo ciyaartay saddex kulan laba kulan waxa ay gashay barbaro ay ka kala heshay kooxaha Jeenyo iyo Heegan, halka ay guul daro kala kulantay Dekedda.

Si kastaba labada koox ayaa horyaalka 2011-12 ee lagu qabtay garoonka jamaacadaha ku kulamay labo jeer waxaana labadii is aragba guusha ay raacaday naadig cawo iyo maalin ee Horseed.