Daawo Sawirrada: Gabdhaha Horseed oo ku guulaystay koobka Jen. Daa’uud

January 12, 2016

Gabdhaha kubadda kubada kolayga Horseed ayaa ku guulaystay koobka kubadda kolayga Jen.Daa’uud kadib guul ay ka gaareen Gabdhaha Heegan.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga ayaa sanadkan u qorsheeyay gabdhaha Heegan iyo Horseed in ay ka qayb qaatan koobka kubadda kollayga ee jenaraal Daa’uud 2015 iyadoo xiriirku uu ugu talo galay in ay sedex kulan ciyaaraan labadan koox,

Seddexda kulan oo la ciyaaray laba ka mid ah ayaa waxaa labada kulanba si xiriir ah ugu guulaystay gabdhaha Horseed.

kulankii labaad oo ah kan ay ku xaqiijiyeen gabdhaha horseed hanashada koobka ee sanadkan oo ka dhacay garoonka Wiish waxaa u soo daawasho tagay dadwayne aad u fara badan oo ay masuuliyiin ka mid ahaayeen waxaana 31-28 guusha ay ku raacday gabdhaha Horseed.

kulanka sedexaad oo ka harsan tartanka sanadkan ayaan natiijada ka soo baxda aysan waxba ka badali doonin hanashada koobkan maadaama labadii hore ay Horseed adkaatay sidaasina ku xaqiijisay hanashada koobka 2015 oo ay labadan kooxood oo kaliya diyaar uga ahaayeen kooxaha kubadda kolayga dalka dhinaca gabdhaha waxaana ay kooxuhu isku diyaarinayaan tartanka sanadka dambe oo la filayo in kooxihii gabdhaha dalka ay dib u soo laabtaan.

horhegabdho1 horhegabdho2

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

horhegabdho4