Macalin Cabdi Kuus oo ka tagay Heegan kuna biiray Naadiga Horseed FC

January 7, 2016

Macalin Ku xigeenkii kooxda Kubada Cagta Heegan Macalin Cabdi Isaaq Maxamed (Cabdi Kuus) ayaa si rasmi ah ugu biirey Naadiga Kubada Cagta ee Horseed FC kadib markii la sheegay in ay is qilaafeen maamulka Naadiga Heegan.

Rug cadaagan kubadda cagta Cabdi kuus ayaa noqon doona Macalin Ku Xigeenka Naadiga Horseed waxaana uu bilaabayaa shaqadiisa rasmiga ah Maanta isaga oo Warkaan u xaqiijiyey Xoghayaha Naadiga Horseed Maxamed Xuseen Axmed (Carabey)

Macalin Cabdi Kuus ayaa lafilayaa in uu wax weyn ku soo kordhiyo Horseed oo hadaba Xaalkeedu aad u wanaagsanyahay.