Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya oo Tababar u soo gaba gabeeyey wakiilada maamul goboleedyada+Sawiro

December 31, 2015

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa maagalada Muqdisho tababar sare loogu qaadayo aqoonta maaulka isboortiga ee gobolda dalka ka furay waxaana xafladda furitaanka kasoo qayb galay guddoomiyahya Guddiga Olombikada Cabdulahi Axmed Tarabi , Guddiga Fulinta xirirka kubada cagta iyo wakiidla isboortiga gobolda dalka ee tababarka la siinayay .

Waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab waxuuna sheegay in tabarakan uu xiriirka uga gol leeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta masuuliyiinta maamulada isboortiga gobolada dalka , tabarkan ay xigi doonaan tabarada kale aasaasiga u ah kubadda cagta.

Cabdiqani ayaa dhanka kale masuuliyiinta ka qeyb qaadanaya tabarka kula dardaarmay in aqoonta ay baranayaan laga doonayo doonayo in ay dib ugu celiyaan gobolada ay wakiilada ka yihiin waxuuna u mahad celiya Maamulka Goboleedyada Putland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubaland iyo Goboalda Hiiran shabeelada Dhexe iyo gobolak Banadir oo aqbalay in ay wakiilo usoo dirsadaaan tababarkan.

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabdulaahi Axmed Tarabi oo tabarka furay ayaa sheegay  in horumarka isboortiga dalka doorka ugu weyn ay leedahay dowladda heer gogol iyo heer degmo lagana doonayo in ay qoshe iyo dhaaqalelagu horuimarinayo la timaado, taana ay tahay mid meesha hadda ka maqan, basle haddii xiriirada iyo gobolada dalka iskaashadraan talaabo horey loo qaadi karo.

 Guddoomiye Tarabi ayaa wakiilada gobolada dalka ayballariyaan juhdiga ay kujiraan aqoonta ay bartaanna ay ka miro dhaliyaan waxuuna mahad celin usoo jeediyay Xiriirka kubada cagta dadaalka u ugu jiro horumarita isboortiga gobolada dalka.
IMG_4249 IMG_4262 IMG_4308 IMG_4327 IMG_4333 IMG_4393 IMG_4397 IMG_4401 IMG_4413 IMG_4438