Naadiyada Horseed iyo Jeenyo oo galabta isku arki doona Banaadir Stadium

December 30, 2015

Garoonka Banaadir Stadium waxaa galabta ku kulmi doona Kooxaha Jeenyo iyo Horseed oo ah laba naadi oo aad ugu dagaalamaya horyaalka Soomaaliya.

Naaadiga Horseed oo si weyn dib u habayn loogu sameeyay ayaa waxaa ay dhawaac  ku guuleysatay labo koob, iyadoo galabta la ciyaareysa naadiga Jeenyo.

Gudoomiyaha naadiga Horseed Jeneraal Ceynte ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in kulanka galabta ay la ciyaarayaan Jeenyo ay guul ka soo hooyn doonaan.

Nationlink Champions Ship ayaa furmay Isniintii waxaana min saddex dhibcood wada leh kooxaha Dekedda iyo Banaadir.

Kulankii ugu dambeeyay ay wada ciyaaraan labadan kooxood waxa uu kusoo dhamaaday 1-0, waxaana ku adkaatay Jeenyo ciyaartii guruubyada koobka Janeraal Daa’uud.